Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda federalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo Munaasabad soodhawyn ah oo loogu sameeyay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo ku aaddan khilaafka ka dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni.
Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday qodobbo dhowr ah oo ay isaga hor yimaadeen Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana uu carrabka ku dhuftay in waxyaaabaha ay isku khilaafeen ay ugu horreeyaan arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Su’aalo dhowr ah oo ay waydiiyeen dad weynaha uu ka hor hadlayay ayuu ka jwaabay, waxaana wax yaabaha wax laga weydiiyay ka mid ahaa Cabashada Puntland ee ku aaddan awood qaybsiga Dowladda dhexe.
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo su’aalaha la weydiiyay ka jawaabayay ayaa sheegay in Madaxweynaha hadda ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni uu saxiixay qoondada ay manta Puntland ka cabanayso, xiligii uu ahaa Wasiirka Qorsheynta.
Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo shalay Kolonyo uu la socday lagu celiyay duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana la sheegay in loo diiday inuu Garoowe la galo gaadiid iyo Ilaalo la socotay.
Wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdiga la socday ayaa xiligaasi ka yimid degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag,halkaasi maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen, isagoona lagu amray in gaadiidka iyo ilaalada ku reebo duleedka Magaalada, inkastoo markii dambe loo fasaxay.