Koox Hubeysan oo dagaal ku dilay Taliyihii Booliska Degmada Xudun ee Gobolka Sool

2

Wararka ka imaanaya Degmada Xudun ee gobolka Sool ayaa ku warramaya in manta halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaro gaystay oo dhexmaray Ciidanka Booliska Somaliland iyo koox hubeysan.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in dagaalkaasi uu ku geeriyooday Taliyihii Booliska Somaliland ee Degmada Xudun ee gobolka Sool, waxaana sidoo kale dagaal kaasi ka dhashay Khasaaro kale sida ay wararku sheegayaan.

Askar ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dagaalkaasi dhexmaray Ciidanka Booliska iyo kooxdaasi Burcadka ah, warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda Booliska la dagaallamay ka ganacsanayeen mukhaadaraad.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa horay waxaa ay gacanta ugu soo dhigeen kooxo burcad ah oo ka ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya, iyadoo tiro dhowr jeer ah Saraakiisha Booliska gooobo fagaare ah kusoo bandhigeen Khamri iyo dadkii watay.