Qoor qoor iyo Fahad Yaasiin oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho

38

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa kulan la qaatay Taliyihii hore Nabadsugida Fahad Yaasiin iyo xubno la socday oo uu ku jiro Wasiiru Dowlaha gaadiidka iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley.

Dhinayacadan ayaa waxaa ay ka wadahadleen arrimaha weli taagan ee khilaafka. Maadaama xmaalmihi ugu dambeeyay uu madaxweyne Qoor qoor ku howlanaa waan-waanta lagu dhex dhexaadinayo madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Rooble.

Fahad Yaasiin ayaa tan iyo markii uu yimid Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo ka wadaa magaalada.

Waa markii labaad oo Fahad Yaasiin uu bannaanka uga soo baxo Madaxtooyada, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho todobaadki hore, waxaana weli amnigiisa sugaya Ciidanka Waran ee NISA