Kulan looga hadlay Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle

4

Guddiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabele ayaa Kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka Hirshabele ee qaabilsan Qabashada doorashada Aqalka Sare.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Dr Abdihakim Luqmaan Xaaji Maxamed iyo ku xigeen kiisa 1aad mudane Siraaji Sheekh Isxaaq.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta qabsoomida Doorashada Aqalka sare oo la filaayo in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto Dowlad goboleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa saacadaha soo socda la filayaa in uu soo saaro liiska musharixiinta u tarmaysa kuraasta maamulkaasi ku mataleysa Aqalka Sare.