Maamulka G/Banaadir oo amray in laba Isbitaal lagu soo wareejiyo

2

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku amray Maamullada isbitaalada kala ah: Jaziira iyo Yardameeli in ay ku soo wareejiyaan xarruumahaasi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Filish ayaa waxaa maamulka Isbitaaladaasi loogu qabtay muddo todobaad ah in ay ku soo warijiyaan Maamulka Isbitaalka.

Maamulka ayaa sheegay markii lagu wareejiyo isbitiladaasi in ay loo magacaabi doono maamulo cusub, si howsha ay u socoto.

Sidoo kale gobolka Banaadir ayaa sheegay in xarruumahaasi ay yihiin dan-guud, isla maraasna loogu tala-galay in si bilaash ah loogu adeego shacabka gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir.