RW Rooble oo guddoomiyay shir looga hadlay arrimaha Dhaqaalaha

2

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddomiyay shir looga hadlayay arrimaha dhaqaalaha dalka.

Shirkaan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb-galay hay’addaha dowladda u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha oo ay ku jiraan wasiiradda xukumadda iyo mas’uuliyiin kale.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu yiri:

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulanka Tiirka Dhaqaalaha oo lagu falanqeeyay jiheynta iyo kor-joogteynta mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda”.