Maxaa Ka Jira In Wasiir Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Uu Xilka Iska Casilay?

4

Maalmo kahor ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyey warar sheegayey inuu xilka iska Casilay Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Iimaan Cali Cabdi.

Hayeeshee Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka KGS ayaa waxaa lagu sheegay in wararka la faafiyey ay yihiin kuwo been abuur ah, isla markaana uusan is Casilin Wasiir Iimaan Cali oo shaqadiisa wato.

Warka la faafiyey oo ku qornaa Warqad ku taariikheysneyd 23-kii bishaan Agoosto 2021 ayaa lagu sheegay in Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka KGS uu Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen u gudbiyey Warqadiisa is Casilaada.

Wasaaradda Tamarta ayaa tilmaamtay in Warqada lagu qoray istaqaalada aysan kasoo bixin Xafiiska Wasiir Iimaan Cali Cabdi, isla markaana looga been abuurtay “Warqadan waa been abuur kama soo bixin xafiiska Wasiirka ( fake news)”.

Hoos ka Akhriso Warqada la faafiyey ee la beeniyay.