Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaarey magaalada Baledwayne.

15

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista iyo hawada soomaaliya ayaa maanta waxaa ay gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wafdigan waxaa kamid ahaa Mareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed macalin, iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku soo dhaweeyeen madaxda masuuliyiin ka tiran mamuulka gobalka Hiiraan.

Sidoo kale waxa la socda quburo ajaanib ah oo hay’adda ka la shaqeeya Arrimaha Garoomada Dalka waxaana lagu wadaa in ay indho-indheyn ku sameeyaan xaaladda Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

Wafiga ayaa la filayaa in wafdiga ay kulamo la qaataan maamulka magaalada iyo mas’uuliyiinta garoonka dayuuradaha ee Baledwayne.