Xoolo dhaqatada Gobolka Gedo oo ka cabanaya xaalufin ba,an oo lagu hayo jarista dhirta(Sawirro)

31


Dadka xoolo dhaqatada ah ee degan dhulka miyiga ah ee u dhaxeya Baardheere iyo ceelwaaq ayaa markii ugu horeysay muddo ka badan ilaa 10sanno waxay cabasho xoogan ay ka muujiyeen xaalufin lagu hayo noocyada kale gedisan ee dhirta.dadka jaraya ayaa waxaa la sheegay in ay hormuud u yahiin dad dhalinyaro ah oo dhaqaalo doon ah,waxayna jarista dhirta u isticmaalayaan dhuxul,Nuurad iyo tiirarka guryo soomaaliga ah lagu dhisto.

Deeganada ugu daran ayaa waxaa ka mid ah Tarako,balambaal,sidimo,kantama, reydab,garsaal iyo muudaale.

Maxamed Cali Xuseen(Diini ) waa G/ku xigeenka 1aad ee Maamaulka Gobolka GedoDe oo la hadlayey Radiyaha ERGO ayaa waxuu sheegay in xoolaha iyo dadka deegaankaba ay ku tiirsan yihiin dhirta deegaanka ka baxdo,waxaana uu tilmaamay in dhirta oo la dhuxuleeyo ay halis ku tahay nolosha iyo mustaqbalka Gobolka.

Sababaha keenaya in jarista dhirta ay sii kororto labadii bilood ee u dambeeyey ayuu sheegay in ay la xariirto shaqo la,aan la soo daristey dhalinyaro badan oo ka shaqeysan jirey beeraha,kuwaasi oo shaqo la,aan ay ku timid markii ay ku khasaareen fatahadii webbiga Jubba uu sameeyey.

“ haddii aanu nahay maamulka Gobolka Gedo waana la sooconaa howsha ka soo cusboonaatey jarista dhirta waana ka wada hadalney sidii loo joojin lahaa gurista dhirta oo aanu u aragno mid lagu nabaad guurinayo dhirta deegaanka,dhibaatadaana waxaa keenay shaqo la,aanta ,maadama dadka howshan hurmuudka u ah ay yahiin dhalinyaro ka shaqeysan jirtey Beeraha sidaasi waxaa yiri Maxamed Cali Xuseen(Diini)

Axmed cumar saalixi