Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay kitaabkii Qur`aanka ee lagu gubay Sweden

8

Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa cambaareeyay nuqul ka mid ah kitaabkii Qur`aanka ee lagu gubay magaalada koofurta Sweden ku taalla ee Malmo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Anadolu.

Warbixin uu soo saaray ururka oo fadhigiisu yahay magaalada Jiddah ayaa lagu sheegay in falka gubitaanka kitaabka uu yahay “fal kicin ah” uuna “ka hor imaanayo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo cunsurinimada iyo kicinta nacaybka ku saleysan diinta”.

Taageerayaasha hoggaamiyaha cunsuriga ah ee Denmark u dhashay Rasmus Paludan ayaa Jimcihii Malmo ku gubay nuqul kitaab Qur`aan ah.

Isu soo bax ay sameeyeen ayaa waxaa hareeyay rabshado, lagu dhaawacay dhowr sarkaal oo booliiska ka tirsan. Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu xiray isu soo baxyadaas. Booliiska ayaa sidoo kale muddo labo sano ah ka mamnuucay Paludan inuu Sweden tago.

Ururka OIC ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu qaaday booliiska Sweden.

Dhanka kale, Pakistan ayaa si xooggan u cambaareysay falkaasi lagu gubay nuqul ka mid ah kitaabka Qur`aanka.

Afhayeen u hadlay Pakistan ayaa sheegay in dhacdooyinka ku saleysan nacaybka Islaamka ee meelo badan ka dhacaya ay ka hor imaanayaan shurcuuda diin walba.