Puntland oo ku eedeysay Dowladda Federaalka inay caqabad ku noqotay horumarinta waxbarashada

0

Wasiirka Waxbarashada Puntland, Fuad Abshir Axmed (Adeer), ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay caqabad ku noqotay dadaalladii lagu xoojinayo iskaashiga waxbarashada iyo taageerada ay Puntland ka hesho beesha caalamka iyo hay’adaha horumarinta.

Wasiirka waxbarashada wuxuu sheegay in Puntland muddo ka badan hal sano ay waday dadaallo lagu raadinayo wada-shaqeyn iyo isfaham ay la yeelato Wasaaradda Waxbarashada Federaalka si loo hagaajiyo maamulka iyo maareynta waxbarashada, hase yeeshee ay suurtageli weyday in heshiis laga gaaro arrimahaas.

Fu’aad Abshir Axmed ayaa xusay in horumarinta waxbarashada iyo xaqiijinta xuquuqda waxbarasho ay u baahan yihiin iskaashi dhex mara dhammaan heerarka dowladda, oo ay ku jiraan heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo heer dowladaha hoose.

Adeer wuxuu intaas ku daray in Puntland ay aaminsan tahay inaan la gaari karin yoolalka waxbarashada haddii aysan jirin wada-shaqeyn buuxda oo ka dhexeysa hay’adaha dowladda.

Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in muddo dheer ay ka gaabsadeen inay si fagaare ah uga hadlaan khilaafaadka jira, balse ay hadda lagama maarmaan noqotay in arrimahaasi si cad loo iftiimiyo.