Dowladda federaalka iyo saraakiisha Gobolka Bay oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

2

Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo saraakiisha ammaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen xaaladda amni ee magaalada Baydhabo, kadib dagaallo saaka ka dhacay magaalada iyo duleedkeeda.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Sadaad Maxamed Caliyow, ayaa sheegay in ciidamo hubeysan ay weerar kusoo qaadeen Baydhabo, balse ay la kulmeen iska caabin xooggan oo uga timid ciidamada ammaanka iyo kuwa dowladda federaalka.

Wasiir Sadaad ayaa sheegay in dagaalladu ka dhaceen meelo kala duwan, gudaha iyo bannaanka magaalada, isagoo xusay in ciidamadii weerarka soo qaaday lagu jebiyay dagaalka isla markaana laga qabsaday gaadiid dagaal.

“Waxay damacsanaayeen inay gudaha u soo galaan magaalada si ay qalalaase uga abuuraan, balse ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay qorshahaas, waxaana hadda magaalada ka jira xasillooni,” ayuu yiri Wasiir Sadaad.

Dhankiisa, Taliyaha Booliska gobolka Baay, Sadiiq Doodishe, ayaa sheegay in kooxo uu ku tilmaamay “maleeshiyaad iyo kooxo dambiilayaal ah” ay isku dayeen inay khal-khal amni ka abuuraan Baydhabo, balse ciidamada ammaanka ay si degdeg ah u soo afjareen weerarka.