Burcad-badeed Soomaali Ah Oo Qabsatay Markab Ku Sii Jeeday Muqdisho

0

Wararka laga helayo xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in burcad-badeed Soomaali ah oo la tuhunsan yahay ay afduubteen markab shidaal sida, kaas oo marayay biyaha u dhow gobolka Bari ee Puntland.

Saraakiil maxalli ah iyo milatariga Boqortooyada Midowday (UK) ayaa sheegay in markabka lagu qabsaday deegaanka u dhexeeya Xaafuun iyo Bandarbayla maalintii Arbacada, xilli uu safar kaga yimid magaalada Berbera kuna sii jeeday Muqdisho.

Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa xaqiijisay dhacdada, iyadoo sheegtay in dad aan loo oggolayn ay la wareegeen gacan ku haynta markabka islamarkaana ay ku dhex wadeen biyaha Soomaaliya.

Markabka oo ay leeyihiin ganacsato Pakistani ah ayaa siday shidaal, waxaana weli aan si rasmi ah loo shaacin tirada saxda ah ee shaqaalaha saarnaa iyo dalalka ay u dhasheen.

Ilaa hadda ma jiraan warar faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda shaqaalaha markabka ama cidda ka dambeysa afduubka, hase yeeshee baaritaanno ayaa socda.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo badanayaan falalka burcad-badeednimada ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga ah ee gobolka. Khubarada amniga badda ayaa ka digaya in kooxaha burcad-badeedda ay dib u xoojinayaan dhaq-dhaqaaqyadooda, taas oo halis ku ah maraakiibta ganacsiga iyo isu socodka badda ee Geeska Afrika.