Ururka Isbahaysiga Islaamka ayaa si adag u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay qorshaha Somaliland ay Safaarada kaga furanayso magaalada Qudus ee laysku haysto, oo ay Israa’iil ku sheegtay in ay tahay caafimadeeda, lakiin asal ahaan kamid ah dhulka Falastiin ee la haysto.
Dalalka bayaanka wadajirka ah saxeexay waxaa kamid ahaa Boqortooyada Sacuudiga, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Dowladda Qadar, Boqortooyada Urdun, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Bakistaan, Jamhuuriyadda Indooniisiya, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Falastiin, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Yemen, Jamhuuriyadda Lubnaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Muritaaniya, Dowladda Kuweyt, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, Jamhuuriyadda Shacabka Bangaladhesh iyo Boqortooyada Marooko.
Bayaanka ayaa lagu adkeeyay in si buuxda loo diidan yahay tallaabo kasta oo lagu xoojinayo waxa loogu yeedhay “xaalad sharci darro ah” oo ka jirta magaalada Qudus, ama lagu siinayo sharciyad hay’ado iyo nidaamyo ka hor imanaya shuruucda caalamiga ah iyo go’aamada Qaramada Midoobay.











