Falcelin xooggan oo ka dhalatey kulamada uu Muqdisho ka wado Xasan Sheekh

5

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu wajahayo qalalaase siyaasadeed, kalsooni darro sii kordheysa iyo jahawareer maamul.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweynuhu isku dayayo inuu isu muujiyo hoggaan awood leh oo gacanta ku haya xaaladda dalka, balse xaqiiqadu ay tahay in uu la kulmayo cadaadis siyaasadeed iyo mucaarad sii xoogeysanaya.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Xasan Sheekh uu kulamo la leeyahay qaybaha bulshada Muqdisho si uu taageero ugu helo qorshayaal siyaasadeed oo uu sheegay inay la xiriiraan muddo-kororsi, isagoo tilmaamay in ay jirto cabsi laga qabo abaabulka mucaaradka.

Xildhibaanku wuxuu intaa ku daray in kalsooni darradu aysan ku koobnayn mucaaradka oo keliya, balse ay gaartay gudaha hay’adaha dowladda iyo ciidamada amniga, halkaas oo uu sheegay inay ka jiraan cabashooyin la xiriira musuqmaasuq, eex iyo cadaalad darro.

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xaaladaha siyaasadeed ee maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay muujinayaan caqabado siyaasadeed oo hor leh oo soo wajahay dowladda federaalka.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay waxa uu ku tilmaamay “kalsooni darro siyaasadeed iyo sharciyad la’aan,” isagoo xusay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay si isa soo taraysa u dalbanayaan isla-xisaabtan, daahfurnaan iyo isbeddel siyaasadeed.