Israa’iil oo Ciidamo gaar ah u tababartay Somaliland, kuna wareejisay gantaalada difaaca hawada ee ‘Iron Dome’

0

Cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Somaliland ayaa la xaqiijiyay inay dhowaan dib ugu soo laabteen magaaladda Hargeysa, kadib markii tababar heer sarre ah ay ku soo qaateen magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil, sida ay shaacisay jaraa’idka caanka ah ee The Telegraph.

Sida ay ilo wareedyo dhanka ammaanka ah u sheegeen wargeyska, toddobaadkan gudihiisa ayaa magaalada Hargeisa lagu soo dhoweeyay 50 askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Somaliland, kuwaas oo tababar milateri oo casri ah ay soo siisay Israa’iil.

Tallaabadan ayaa muujinaysa iskaashi cusub oo dhanka difaaca ah oo dhexmaraya labada dhinac. Todobaadkii hore, munaasabad qarsoodi ah oo ka dhacday magaalada Hargeisa, ayaa Madaxweyne Cirro kusoo dhaweeyay wefti heer sarre ah oo ka socday Israa’iil oo u tagey Hargeysa inay maamulka kala qeybgalaan dabaal-dega 18-ka May.

Kulankaas ka dhacay madaxtooyada Hargeisa, weftiga Israa’iil waxay madaxweyne Cirro ku wareejiyeen haddiyad astaan u ah iskaashiga cusub ee dhanka amniga, taas oo ahayd qalabka gantaalaha difaaca hawada ee Iron Dome, oo Israel ugu tala-gashay inay Somaliland uga gaashaamato gantaallada Xuutiyiinta Yemen.

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in haddiyaddan ay xambaarsan tahay fariin siyaasadeed iyo mid milateri oo aad u culus, iyadoo loo qorsheeyay inay noqoto mid dhabaha u xaarta saldhigyada Israa’iil ka dhisanayso Berbera.