Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray dhexdhexaadiyayaasha “in aan lagu degdegin heshiis” lala galo Iran, kadib markii warar soo baxay ay tilmaameen in heshiis la gu dhowyahay.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Maraykanka, heshiiska laga wada hadlayo waxa ku jira kordhin xabbad-joojin 60 maalmood ah, dib u furista marin-biyoodka Hormus, iyo wada-hadallo dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Trump wuxuu sheegay in wada-hadalladu ay “si wax dhisaya” u socdaan, balse “labada dhinac waa inay waqti qaataan oo si sax ah wax u dhammeeyaan.”
Trump ayaa Sabtidii sheegay in heshiiska “intiisa badan laga wada xaajooday,” taasoo dhalisay hadal hayn ah in dhawaan lagu dhawaaqi karo heshiiska.
Laakiin wararka warbaahinta Iran ayaa sheegaya in wali ay jiraan “hal ama laba” qodob oo lagu muransan yahay heshiiska suurtagalka ah.











