Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo cambaareeyay safaarada Somaliland ay ka furanayso Qudus.

0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 14 dal oo Carbeed iyo Islaami ah ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabo la sheegay in Somaliland ay ku furanayso safaarad magaalada Qudus ee la haysto.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar, Sacuudi Carabiya, Qatar, Urdun, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Jabuuti, Soomaaliya, Falastiin, Cumaan, Suudaan, Yemen iyo Lubnaan ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imaanayso sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee la xiriira xaaladda magaalada Qudus.

Dalalkan ayaa sheegay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo wax ka beddeleysa xaaladda sharciyeed iyo taariikhiga ah ee magaalada Qudus, iyagoo ku baaqay in la ixtiraamo qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya magaaladaasi.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay taageerada dalalkaasi ay u hayaan midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida iyo midnimada dalka