Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo hakis ku meel gaar ah ku samaysay oggolaanshaha safarka Masar

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay si dhow ula socotay caqabadihii ku yimid muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safrayay dalka Masar maalmihii lasoo dhaafay.

Sidaas awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka May 2026, waxaa si ku meel gaar ah loo hakiyay isticmaalka oggolaanshaha safarka ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku wajahnaa dalka Masar.

Hay’addu waxay sidoo kale ku wargelisay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay dalka Masar ku geli karaan oo kaliya dal-ku-galka rasmiga ah ee ay bixiso Qunsuliyadda Masar.

Ugu dambeyn, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xustay in ay sii xoojin doonto iskaashiga iyo xiriirka socdaal ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, si loo fududeeyo socodka muwaadiniinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.May be an illustration of text