Golaha Mustaqbalka oo dib u dhigay bannaanbaxii Muqdisho xilli wada-hadallo siyaasadeed socdaan

0

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay dib u dhigeen bannaanbax lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho 16-ka May, iyagoo sheegay inay doonayaan inay fursad siiyaan wada-hadallada siyaasadeed ee u socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in go’aanka dib loogu dhigay bannaanbaxa loo qaatay si loo dhiirrigeliyo dadaallada xal raadinta ee ku saabsan murannada siyaasadeed, doorashooyinka iyo jihaynta marxaladda kala guurka ee dalka.

Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in bannaanbaxa uu ahaa mid si nabad ah loo qorsheeyay, balse ay mudnaan siinayaan wadahadallada socda, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo muhiim u ah ilaalinta xasilloonida iyo ka fogaanshaha xiisado siyaasadeed oo hor leh.

Sida lagu xusay warqadda, wada-hadallada u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ayaa diiradda saaraya arrimo ay kamid yihiin hanaanka doorashooyinka, dhameystirka dastuurka iyo arrimaha amniga, xilli uu dalka wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in taariikh cusub oo loo asteeyo bannaanbaxa dib laga shaacin doono, iyadoo lagu saleynayo natiijada kasoo baxda wada-hadallada socda.

Go’aankan ayaa imanaya iyadoo maalmihii u dambeeyay ay jireen dadaallo ay wadeen Beesha Calamka oo lagu doonayo in lagu yareeyo khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya, kaasi oo salka ku haya doorashooyinka iyo hannaanka maamulka dalka.

Golaha Mustaqbalka oo dib u dhigay bannaanbaxii Muqdisho xilli wada-hadallo siyaasadeed socdaan