Dowladaha Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Jordan ayaa si adag u cambaareeyay afduubka markabka shidaalka ee M/T Eureka, kaas oo laga qafaashay biyaha caalamiga ah ee u dhow Yemen kadibna loo jiheeyay xeebaha Somalia.
War ay soo saareen Wasaaradahooda Arrimaha Dibadda ayay saddexda dal ku sheegeen in dhacdadani ay si cad uga hor imaaneyso sharciga caalamiga ah, isla markaana ay khatar weyn ku tahay amniga marinada badda iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
Dalalkan ayaa sidoo kale muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan Masar iyo qoysaska badmaaxiinta la afduubtay, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo xaqiijiyo ammaankooda loona sii daayo.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in la xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeednimada iyo dambiyada abaabulan ee ka dhaca marinada badda ee muhiimka ah.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda markabka M/T Eureka, oo laga soo afduubtay biyaha Yemen laguna hayo xeebaha Soomaaliya.











