Magaalada Baardheere ayaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo xilka kula ka wareegayay maamulka cusub ee degmada Baardheere,Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkii hore ee degmada,, odayaal dhaqameed, saraakiil ciidan, dhalinyaro,Ururka Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ismaaciil sh Cabdi Qorax oo ah Gudoomiyahii hore ee degmada Baardheere ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay maamulka cusub, isagoon ka hadlay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Cumar Ibraahin oo ah Gudoomiyaha cusub ee degmada Baardheere iyo Cali Cismaan Cali oo ah G/ku xigeenka Cusub ee Maamulka degmada ayaa dhankooda ballan qaaday inay xoogga saari doonaan amniga magaalada iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada Baardheere.
Qaar ka mid ah Xubnahii ka Hadley munaasabadda ayaa hadallo kala duwan ka jeediyay, kuwaasi oo lagu bogaadinayay isbedelka maamulka iyo rajada laga qabo in degmada ay gaarto horumar muuqda.
Gebagebadii Munaasabada Xil wareejinta Maamulka ayaa waxaa ka Hadley Col.Cismaan Sh Cabdi Qorax oo ah Taliyaha Guutada 10aad ee XDS ee Gobolka Gedo,waxuuna kula dardaarmey Maamulka cusub ee degmada Baardheere inay dar dargeliyaan Howlaha kale gedisan ee Bulshada deegaanka loogu adeegayo.













