Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka, Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo ka dhacaya Muqdisho

1

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka siyaasadeed iyo beesha caalamka, iyadoo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan muddo xileedka dowladdu ku howlan tahay iyo arrimaha siyaasadda dalka.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay jiraan ismaan dhaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Samata-bixinta Soomaaliya, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira habraaca doorashooyinka iyo hannaanka iyo Datuurkii hore oo ay dowlada laashay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirkan ku matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Jaamac.

Dhinaca mucaaradka, waxaa matalaya Madaxweynihii hore ee dalka, Sharif Sheikh Ahmed, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Xoghayaha Golaha Samata-bixinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka socda beesha caalamka, oo ay hormuud u yihiin Mareykanka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo door ka qaadanaya dhexdhexaadinta iyo fududeynta wada-hadallada.

Kulankan ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed, xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan, iyo sidii loo gaari lahaa heshiis siyaasadeed oo lagu hagi karo mustaqbalka doorashooyinka dalka.