Dowladda Turkiga ayaa si adag u beenisay eedeymo lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in Ankara ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana cadaadis ku saareyso mucaaradka si ay u taageerto dhinac siyaasadeed gaar ah.
“Eedeymaha sheegaya in Turkigu uu faragelin ku hayo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya islamarkaana uu adeegsanayo awood milatari si uu cadaadis ugu saaro mucaaradka una taageero dhinac gaar ah waa kuwo gebi ahaanba been abuur ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya uu muddo dheer ku dhisnaa iskaashi sharciyeysan oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta amniga, xasilloonida iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya ay diiradda saarayaan dib-u-dhiska iyo tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, casriyeynta hay’adaha ammaanka iyo xoojinta awoodda la dagaallanka kooxaha hubeysan.











