Madal ay madaxda xisbigu kula kulmeen qaar kamid ah taageerayaasha ayuu Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, ka sheegay in uu Biixi yahay danbiile.
Waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu ka baxay heshiiskii odayaasha bariga Burco fududeeyeen ee lagu saamaxay Jabhadii Buurtagacanlibaax, si uu iskaha horkeeno bulshada Somaliland oo anay doorasho u dhicin.
“Waxaanu ku leenahay dadku wuu ku arkaaye doorasha laga sugayaa, waxaa aad ka sheekaynaysaana meesha maanta ma yaalaan, cid danbi leh anagu iska hortaagi mayno lakiin wixii ay dadka masuuliyiinta ahi ku heshiiyaan waa in ay dhawraan” ayuu yidhi Xirsi.
Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo isna goobta ka hadlay ayaa isagu sheegay in madaxweynuhu uu saaxiibkii yahay qudbadiisana aan laga jawaabin, isaga oo sheegay in uu ka shaqayn doono walaalaynta bulshada Somaliland hadii uu guulaysto.
Madaxweyne Biixi ayaa shalay sheegay in cadaalada la horgayn doono xubnihii Jabhada Gacanlibaax ee weerarka ku dilay askarta booliiska ah kuwaasi oo xukuumadiisu ay hore u cafisay.