Waddamada G7 oo ku baaqay in la taageero Soomaaliya, iyagoo walaac ka muujiyay heshiiska Ethiopia iyo Somaliland.

9

Shir ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ayaa waxay walaac ka muujiyeen heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee arrimaha badda oo ay kala saxiixdeen  Itoobiya iyo Somaliland bishii January ee ina dhaaftay.

G7 waxay ku booriyeen dawladda Itoobiya iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya labadaba inay ilaaliyaan xiriirkooda isgaarsiineed. Waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-hadallada si loo baajiyo xiisado kale, iyagoo ku baaqaya in lala shaqeeyo xulafada gobolka, u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah, iyo ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, sida ku cad Axdiga Qaramada Midoobay.

G7 ayaa ku ammaantay Soomaaliya horumarrada ay ka samaysay dhismaha hay’adaha dawladda, maamulka dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta amniga.

Waxay ku dhiirigeliyeen maamulada Soomaaliya inay sii wadaan dadaalkooda ka dhanka ah Al Shabaab iyo inay horay u sii wadaan horumarinta hay’adaha dowladda, oo ay ku jirto dhameystirka dib-u-habeynta dastuurka.

G7 waxa ay muujiyeen baahida muhiimka ah ee ku wareejinta waajibaadka amniga ee ciidamada Soomaaliya. Waxay soo dhaweeyeen qorshayaasha socda ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee lagu dhisayo hawlgal caalami ah oo lagu guuleysto, ujeeddaduna tahay in la joogteeyo xasilloonida maaddaama Soomaaliya ay kor u qaadayso kaabayaasha amniga.