Raysal wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay Orodyahan guul weyn u soo hooyay Soomaaliya

4

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo dalka u soo hooyay dhawaan guul muhiim ah.

Orodyahankaan ayaa guul ka soo hooyey orodka 5000 ee mitir oo ahaa kulankii 13-aad ee ciyaaraha Afrikaanka oo ka dhacay magaalada Accra ee Caasimadda dalka Ghana 22-kii bishii Maarso 2024, isagoona kusoo guuleystay billad qalin ah.

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa ku amaanay Orodyahankaan sida uu isugu xilqaamay inuu dalkiisa iyo Calankiisa ku matalo fagarayaasha Caalamka.

“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan qaadashadiisu waxay dhiirragelin u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin. Waxaan ku kalsoonahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo intan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doonaan sidii aan hore u ga barannay”. Ayuu yiri Raysal Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac.

Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ayaa sido kale sheegay in Xukuumadda ay mudnaan gaar ah ay siineyso horumarinta ciyaaraha, islamarkaana ay dhisayso kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababaro iyo fursado heer caalami ah oo ay kusoo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda.