NUSOJ oo dalbatay in si deg deg ah loo sii daayo Wariye Xuseen Cabdulle

6

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si adag u cambaareeyay xariga wariye Xuseen Cabdulle, oo kamid ah suxufiyiinta madaxa-banaan ee ka howlgala magaaladda Muqdisho.

 

War saxaafadeed ay NUSOJ soo saartay ayaa loogu baaqey hay’adda NISA inay si deg deg ah, ay kusii dayso wariye Xuseen Cabdulle, oo xalay ay xirtay kadib markii uu warbixino ay dhibsatay hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaran uu ku baahiyay barta uu Facebook ku leeyahay.

Warar ayaa sheegaya in kahor xarigiisa, ay Xuseen Cabdullahi ay la kulmeen xubno katirsan NISA, oo sarkaal uu ku jiro, waxaana saacado kadib loo geystay xariga, aan loo soo marin dhabaha sharciga ah, ee muwaadinka xabsi lagu dhigi karo.

Xuseen Cabdulle oo ah wariye aad loo yaqaano, ayaa bartiisa Facebook soo geliya muuqaallo uu kusoo bandhigo musuq-maasuqa dalka ka jira iyo tacadiyada hay’addaha amniga u geystaan shacabka Soomaaliya ayaa loo xiray shaqadiisa saxaafadda.

“Waxaan diidnay, oo si adagna u cambaareyneynaa xariga sharci darrada ah  ee lagula kacay  Xuseen Cabdulle Maxamed, tallaabada ay ciidamada NISA ku bar-tilmaameedsadeen wariye shaqadiisa gudanaya waa mid aan sinaba loo aqbali karin, waxaana codsaneynaa in si deg deg ah loo sii daayo,” ayuu yiri Cumar Faaruuq, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Wuxuu Cumar Faaruuq sheegay in Xariga Xuseen Cabdulle  uusan ahayn kaliya weerar shakhsi ah, balse uu yahay mid lagu qaaday xoriyada hadalka, iyo mida saxaafadda madax-bannaan ee Soomaaliya.

NUSOJ ayaa intaasi ku dartay in Dhacdadan ay qayb ka tahay hab-dhaqanka qallafsan ee hay’adda NISA, taasoo si weyn ugu xad-gudbaysa xorriyadda saxaafadda Soomaaliya iyo wariyeyaasha mudo dheer dhibaatada kusoo jiray, oo xarig, dil, handadaad iyo faaf-reeb ku sameynayeen dhinacyada isku haya dalka.

“Hay’adda NISA waxaan ugu baaqeynaa in ay joojiso dhaqankii hore, ee arxan darada iyo caburinta lagu haayay suxufiyiinta ku dhiirada in ay gutaan waajibaadkooda ah in ay si madax banaan u tabiyaan wararka xasaasiga ah, xoriyada saxaafadu waa tiirka aasaasiga ah ee geedi socodka dimoqraadiyada Soomaaliya, waana in la dhowraa si loo helo bulsho xor ah oo xog ogaal ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cumar Faaruuq Cismaan.

Ugu dambeyntii, NUSOJ ayaa sheegtay inay garab taagan tahay wariye Xuseen Cabdulle iyo dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee wajahaya khataraha kala duwan, iyadoo balan-qaadey inay si hagar la’aan ah ugu doodi doonto xuquuqdooda marwalba, si cabsi la’aan ah.