Wasiirka dastuurka Soomaaliya: Geeddi socodka ummadda Soomaaliyeed la hayste uma noqon karo diidmada Puntland

5

Wasiirka dastuurka iyo caddaaladda xukuumadda Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax wadatashi ah oo ka maqan wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya aysan jirin.

wasiirka ayaa sheegay in ay dhamaatay doodda dib eegista wax ka beddelka, haatanna loo gudbay in baarlamaanku uu meel mariyo dib u eegista lagu sameeyay dastuurka, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo aan Soomaaliya horey uga dhicin.

Xasan Macallin oo wax laga weydiiyay ka maqnaanshaha Puntland ee ka doodista dastuurka, wuxuu sheegay Puntland in ay bilowgii hore qeyb ka ahayd wadatashiga dib u eegista dastuurka.

Wuxuu sheegay in aysan macquul noqon karin in geeddi socodka ummadda Soomaaliyeed uu la hayste u noqdo diidmada maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay, Puntland inay matalaad ku leedahay labada aqal ee baarlamaanka, kuwaasna ay yihiin, kuwa ku matalaya doodda dastuurka ee haatan go’aan gaaristeeda uu taagan yahay.

“Haddii xubin xubnaha kamid ah ay go’aansato inay ka maqnaato inay doorkeeda qaadato, xubintaasu Soomaalida inteeda kaleeto iyo geeddi socodkiiyoo dhan ma iyaduu Hostage (La hayste) u noqonayaa? Aniga meel ay macquul ka tahay u malayn maayo,” ayuu yiri wasiirka dastuurka Soomaaliya.

Xasan Macallin wuxuu sheegay, tallaabada kaliya ee Puntland ay xaq uleedahay in ay ahayd in loogu yeero inay kasoo qeyb gasho geeddi socodka dib u eegista dastuurka. wuxuuna sheegay in dowladdu intaasba ay sameysay oo marar badan Puntland loogu yeeray shirka golaha wadatashiga qaran.

Hadalka wasiirka dastuurka Soomaaliya ayaa imaanayaa, iyadoo Puntland maalmo ka hor ay sheegtay in aysan aqoonsan doonin wax ka beddel kaste oo sharci darro ah oo lagu sameeyo dastuurka.