Senator Faroole oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh inuu beddelay dastuurkii Soomaali heshiiska ku ahayd

6

Senator Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh inuu  beddelay dastuurkii Soomaalidu heshiiska ku ahayd.

Senator Faroole oo wareysi siinayay BBC Soomaali,  ayaa uga digay madaxweyne Xasan Sheikh inuu kusii socdo wuxuu ugu yeeray tallaabooyinka uu majaraha ugu siibayo qaab dhismeedka dowladnimada Soomaaliya.

Faroole wuxuu tilmaamay shakhsiyaad katirsan baarlamaanka oo uu sheegay inay mansab ka doonayaan xukuumadda federaalka, ay ka shaqeynayaan in dastuurka dalka la beddelo.

Wuxuu sheegay masuuliyadda ka dhalata wax baddelka dastuurka inay qaadayaan labada gole ee baarlamaanka.

Hadalka Cabdiraxmaan Faroole ayaa imaanaya, xilli berito ah lagu wado inuu baarlamaanku cod u qaado wax ka beddelka dastuurka.

Guddiga howshaan qaabilsan ayaa baarlamaanka khamiistii u qeybiyay nuqulka wax ka beddelka lagu sameeyay ee dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa horey ugu adkaystay in dastuurka wax laga beddelayo, si uu meel maro heshiiska doorashooyinka ee ay wada gaareen golaha wadatashiga qaran, inkastoo ay Puntland ka maqnayd.