IGAD oo ka digtay khatar roobab kusoo wajahan Soomaaliya

6

Gobolka Geeska Afrika ayaa la filayaa in ay ka da’aan roobab xoogan inta u dhaxaysa bilaha April iyo June, sida ay sheegtay Xarunta Saadaasha Cimilada ee urur goboleedka IGAD.

Xarunta waxay digniinta ay soo saartay ku sheegtay in saadaashadeedii u dambaysay in laga filayo xaalado fatahaado ah inay ka dhacaan dalalka gobolka oo Soomaaliya ugu horeyso.

Roobabkan ayaa noqon doona kuwa mahiigaan ah oo da’aya inta lagu guda jiro March illaa May. Kenya iyo Jabuuti ayuu hadda roobka ka bilowday, waxaana durba uu geystay khasaarooyin kala duwan oo burburka wadooyin ay kamid yihiin.

Gobolka Geeska Afrika, ayaa sannadkii u dambeeyay laga diiwaan geliyay xaalado kala duwan oo ay kamid ahaayeen abaaro iyo roobab mahiigaan ah oo is xig-xigay, iyadoo saamaynta isbeddelka cimiladu ay muuqato.

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA), ilaa 479 qof ayaa ku dhintay in ka badan 5.2 milyan oo qofna waxaa saameeyay daadad ka dhashay roobabka El Nino ee ku dhuftay Kenya, Somalia, Uganda, Burundi, iyo Itoobiya intii u dhaxaysay Oktoobar iyo December 2023.