Bangiga Adduunka oo digniin adag u diray dowladda federaalka Soomaaliya

5
Bankiga Adduunka ayaa digniin u diray dowladda Soomaaliya, digniintaas oo ku aaddan dib u dhaca ku yimaada soo gudbinta warbixinta hanti dhowrka ee mashaariicda uu Bangiga Adduunka maalgeliyay.

Warbixinta oo ay ahayd in la soo gudbiyo Juun, 30, 2023, ayaanan weli lasoo gudbin, waxayna arrintaan saamayn ku yeelan kartaa mashaariicda cusub ee World Bank uu ugu talo galay Soomaaliya

“Sida aad la socotaan, xisaab-xidhka mashaariicda Bangiga Adduunka ee December 31, 2022, laga fulinayay dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, weli looma gudbin Bangiga. Tani waxay keentay dib u dhac sagaal (9) bilood ah ka dib markii ay dhamaatay waqtigii loogu talagalay ee June 30, 2023, sida ku qeexan Heshiisyada Sharci ee u dhexeeya DFS iyo Bangiga Adduunka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Bangiga adduunka.

Bangiga adduunka wuxuu sheegay haddii xisaab xirka xisaabaadka mashaariicda Soomaaliya uu Baanku ku soo gaadhi waayo sagaal (9) bilood gudahooda laga bilaabo taariikhda loo qabtay, in Baanku uu qaadi doono tallaabooyinkan hoos ku xusan:-

1: Masii socon doonaan mashaariicda World Bank.

2: Mashaariicdii la qorsheeyay lama bilaabi doono.

3: Joojinta deeqaha.

4: Dhammaan wada-xaajoodyada loo qorsheeyay Abriil 2024, ayaa dib loo dhigi doonaa..

5: Joojinta lacag bixinta.

6: Dhammaan maalgelinta iyo lacagaha loo qorsheeyay mashaariicda socda waa la hakinayaa.

7: Ciddii gacanta ku haysa mashaariicda socota iyo ciddii doonaysa inay dhaqaalahaas hesho waxay la kulmi doonaan shaqo joojin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda jira saddex mashruuc oo  sugaya ansixintooda bisha Abriil 2024, kuwaas oo uu maalgelin doono Bangiga Adduunka.

Bangiga Adduunku wuxuu ku wargaliyay dowladda Soomaaliya waqtigii sagaalka bilood (9) bilood ee loo qabtay inu ku egyahay March 31, 2024, si looga fogaado cawaaqib xumo kasta oo ku timaada dib u dhaca ku yimaada xisaab xirka mashaariicda World Bank ee Soomaaliya.