Maxkamadeynta eedeysane Sayid Cali oo ka bilaabatay Muqdisho

15

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka bilaabatay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si toos ah u gada gashay kiiskan oo ah mid xasaasi ah, isla markaana si weyn looga war sugayo go’aanka ay ka gaari doonto.

Waxaa maxkamadda goobjoog ah ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana qoyskeeda ay dalbanayaan in lala aaso ninka gubay oo ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud.