Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay heshiis lagu difaacayo badda Soomaaliya

13

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska ay Golaha Wasiirrada soo ansixiyeen kaas oo ay  wada galeen dowlada Soomaaliya iyo Turkiga wuxuuna  ku saabsan yahay iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Kulanka oo ay fadhiyeen 216 waxaa ogolaaday 213 mudane oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa diiday 3 mudane sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Heshiiskan waxaa saaka iyaguna soo meel-mariyay golaha wasiirada Soomaaliya oo yeeshay kulan aan caadi ahayn.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxagal u ah ummadda Soomaaliyeed – waxaana uu ka hadlay ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, ayna taagan tahay xiisadda badda ee ka dhalatay heshiiska ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.