Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo cadeeyay mowqiifkiisa ku aadan ansixinta wax ka badelka Dastuurka

11

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka hadlay khilaafka ka taagan dhameystirka Dastuurka ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dhankiisa talaabadii Baarlamaanka labada Aqal ku ansixiyeen habraaca wax ka badelka Dastuurka.

Wuxuu sheegay in marxalado kala duwan uu soo maray Dastuurka, islamarkaana maanta loo dhan yahay oo uu ku amaanayo madaxweynaha dowladda Fedaraalka dadaalka iyo wadatashiga uu galiyay arrimaha Dastuurka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ku amaanayaa dadaaladii uu sameeyey intii ay socotay shaqada Dastuurka, waxaan dadka Soomaaliyeed ku bogaadinaa inaan la isku dheganaan, iyadoo la tashanayo hadana horay haloo socdo” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in aanan loo baahneen 30 sano kadib in dooda Dastuurka ay sii socoto, isagoona ugu baaqay dhinacyada aragti ahaan kasoo horjeeda arrinta wax ka badelka Dastuurka iney miiska la yimaadaan doodaha ay qabaan lana saxo waxa dhiman.

“30 sano ayaan ku soo jirnay looma dhama, maanta waa u dhanahay dhameystirka dastuurka, qabiil meeshii qof ka joogo kama maqna, meeshii labo qof ka joogtana waa ku dhan yahay, Soomaali maanta waa u dhantahay ee arrinta dastuurka iyo dhismaha dowladnimadeena aan horay u dhaqaajino,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Hadalkaan ayuu Madaxweyne Laftagareen ka sheegay munaaaabad lagu Caleema saarayay madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo Shalay ka dhacday magaalada Garoowe.

Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maalin ka hor ansixiyey habraaca wax ka bedelka dastuurka oo aad ay u diidanaayeen siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxaana kulankii lagu ansixinaayay ka dhacay buuq iyo sawaxan xoogan, hayeshee looma joojin oo waa la ansixiyey.