Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in ay qalad ahayd in maamulka hawada lagu wareejiyo dowlada Soomaaliya

12
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay ku qaldantay in ay saxeexdo in maamulka hawada laga soo wareejiyo hay’addi maamuli jirtay oo lagu wareejiyo dowlada Soomaaliya.

Waraysi uu siiyay warbaahinta ku hadasha afka xukuumada Somaliland, ayuu ku sheegay in dowlada Soomaaliya ay kaga baxday heshiisyo dhawra oo ay hore u wadagaleen, kuwaasi oo ay ku jirtay in hawada la wada maamulo, kadib markii laga soo wareejiyay hay’adii hore gacanta ugu haysay.

“Markii Ekow laga soo wareejinayay, Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku saxeexeen aynu kala soo wareego Ekow oo inagu aynu qaybsano, halka Somaliland ayaa qaldantay, cidii markaa joogtay ayaa ilduuftay, ilduufku wuu dhaca, sifiican ayay uga faa’iidaysteen oo waxay yidhahdeen gobol ayaadtahay” ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay sidookale ka baxday heshiiska qaybsiga deeqaha, isla markaana ay caalamka u sheegtay in Somaliland deeqaheeda lasoo mariyo Bangiga Dhexe ee Dowlada Soomaaliya, taasi oo ay Somaliland diiday.

Waxa uu sheegay in deeqaha waxbarashada ee laysku siiyo Somaliland iyo Soomaaliya, ay Somaliland hal mar oo kali ah qayb yar ka heshay Somaliland, waxa uu sheegay in ardaydaas oo magaca Soomaalida lagu qaado aan Somaliland waxba laga siin.

“Wixii la wadagalay iyo wixii lagu wadahadlay waxba kama socdaane, Soomaalidu waxay tidhaahdaa ninkii aan quusan isaga quus ah, ninka u haysta Xamar ayaad wax ku heshiinaysaan, waxba ka socon maayaan, markaa taasi way soo gudhay, wixii ay ahayd iyo waxa dareenkooda ku jirana Xasan ayaa muujiyay hada” ayuu yidhi Biixi.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan hawada ka celisay diyaarado ka soo kala kicitimay Imaraatka Carabta iyo Itoobiya oo u socday magaalada Hargaysa, xili ay kacsantahay xiisada ka dhalatay is-fahamka saldhiga bada ee Itoobiya iyo Somaliland.