Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Mowqifka maamul goboleedyada ee Xadgudubka Itoobiya

10
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ka hadlay damaca iyo xadgudubka dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maamul goboleedyada dalka ay arinkaasi uga dambeeyaan dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in waajib tahay ka hortaga iyo difaaca midnimada iyo wadjirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkana maamul goboleedyada dalka ay ku garab taagan yihiin dowladda Fedaraalka difaaca dalka.

“Arrinta damaca iyo xadgudka Itoobiya dowladda Federaalka ayaa noo hadashay hadaan nahay dowlad goboleedyada, iyada ayaana uga dambeyna talaabooyinkaas waana inaan ku garab istaagno dhamaanteen difaaca dalkeena” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Qoor qoor.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay madaxweynaha Galmudug arinta la xariirta wax ka badelka Dastuurka, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo wax walba oo hortabin u leh dowladninada danta dadka Soomaaliyeed.

“Baahi weyn ayaa loo qabay dhameystirka Dastuurka, dowlada waxay u dhutinaysay dhameystirka Dastuurka, mana ahan in dalka uu ku sii jiro qeybo Dastuur, waa in horay loo jaan qaado oo la iska dhaafo wax walba oo dib u dhac keeni kara dhutinayso dhameystirka Dastuurka.”ayuu yiri madaxweyne Qoor qoor.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sidoo kale xusay in xiligaan lagama maarmaan tahay in la’iska daayo hadalada xanafta ah oo la isku adeeegsanayo, islamar ahaantana laga wada shaqeeyo waxa danta u ah ummadda Soomaaliyeed.