Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in aysan dagaal la geli doonin Soomaaliya

11

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa aanu dagaal marnaba la gali doonin Soomaaliya, iyagoo doonaya galangal ay u helaan bad iyo deked.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa aan looga shakin karin inay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya iyo in kale, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu yiri, “Sida Ethiopia ay uga go’antahay midnimada iyo nabadda Soomaaliya waxaanu ku muujinay dhiigga, iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaheenna qalabka sida.”

Waxa uu sheegay Abiy Axmed in tobanaankii sanadood ee u dambeeyay ay Ethiopia baadi doonka nabadda Soomaaliya ku weysay kumanaan ciidan ah – oo aanu jirin- dal kale oo naf hurnimadaa u sameeyay.

Hadalkan ayuu ra’isul Wasaare Abiy ka sheegay kullan muddo afar maalmood ah uga socday Addis Ababa xubna Golaha Dhexe xisbiga talada haya ee Ethiopia.

Qaraar ka soo baxay guddigan maanta oo lagu baahiyay warbaahinta Ethiopia, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddiga xisbiga Prosperity Party ee (PP) uu isku raacay in heshiiskii is afgarad ee dowladda Ethiopia ay bilowgii bishan la gashay Somaliland ee muranka badan dhaliyay loo bedello mid shaqeyn kara oo ku saleysan mabaa’diida wax is dhaafsi ee dalalka deriska ah.

Qoraalka ka soo baxay golahan ma uusan kala cadeyn in Ethiopia ay arrintan kala xaajooneyso dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo in kale, laakiin waxaa lagu sheegay in heshiiskaasi uu marag u ahaa booska ay Ethiopia ka taagantahay kobcinta dhaqaalaha gobolka iyo cilaqaadka is-dhex-galka iyo dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaan dhinaca kale soo hadal qaadin heshiiskii is-afgarad ee ka careysiiyay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay Ethiopia 1-dii bishan la saxiixatay Somaliland, kaasoo Ethiopia siinaya 20km mitir oo xeebta badda cas ah, taa bedelkeedana ay Somaliland heleyso aqnoonsi, sida ay sheegtay.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Ethiopia ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Demeke Mekonnen, oo xilkaasi hayay muddo 11 sanadood ah, oo is-xig-xigay, ayaa ka degay xilkaasi, waxaana bedelaya Temesgen Tiruneh, madaxa sir dooonka Ethiopia.

Warkan oo ay qoreen warbaahinta Ethiopia ayaa waxaa kaloo xaqiijisay wakaaladda wararka ee Reuters oo sheegtay inay ka soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ethiopia.