Sciiid Deni: Dowladda federaalku waxay Puntland ku cadaadisay inay aqbasho wax ka beddelka dastuurka, si mashaariicda loogu fasaxo

16
 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku cadaadisay inuu aqbalo wax ka beddelka dastuurka, si Puntland loogusoo fasaxo mashaariicda uga xanniban dowladda.

Madaxweyne Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Puntland lagu cadaadiyo dhaqaalihii Soomaaliya loogu talo galay in looga beddesho dano siyaasadeed oo ay dowladda federaalka ka leedahay dastuurka.

“Waxaan gorgortan ka gali weynay in hoos loo dhigo nidaamka federaalka. Waxaan iska diidnay in dhaqaalaha adduunku ugu talo galay Soomaaliya, oo qeybta ay Puntland leedahay noolaga beddesho in dastuurka lagu marin habaabiyo,” ayuu yiri madaxweyne Denu.

“Waa sax, mashaariic ay Puntland leedahay, ayaa ku xayiran dowladda dhexe. Sababta ay ugu xayiran tahay waxaa weeye, bilihii ugu dambeeyay oo la arkay in muddo xileedka xukuumaddu gabaabsi yahay, ayaa waxaa la isku daray in nalooga faaidaysto, in iyadoo Puntland mandate-keedu sii dhamaanayo lagu cadaadiyo inay ku beddelato in nidaamka dastuurka la beddelo,” ayuu hadalkiisa kusii daray madaxweyne Deni.

Hadalkan ayuu madaxweyne Deni sheegay, xilli uu maanta la hadlayay baarlamaanka Puntland, isagoo kamid ahaa musharaxiinta madaxweynaha ee khudbadaha ka hor jeediyay baarlamaanka.