Isimada SSC-Khaatumo oo rajo wanaagsan ka muujiyay in xal laga gaarayo khilaafka doorashada Puntland

14

Isimada SSC-Khaatumo ayaa sheegay inay ku guulaysteen in ay xaqiijiyaan nabad galyada magaalada Garowe, iyo kala durkiyeen ciidamada maamulka iyo kuwa mucaaradka, kuwaas oo is horfadhiyay.

Iyagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, ayay sheegeen inay meesha ka saareen welwelkii laga muujinayay in dagaal ka dhaco Garowe.

Isimadu waxay sheegeen in dhinacyada is haya ay la qaateen dedaalada nabadeed ee ay Garowe ka wadaan. Waxay sheegeen inย  dadku dib ugusoo laabanayaan Garowe, dibna ay u furmeen dugsiyadii ku xirmay xiisadaha magaalada ka jiray.

Waxay sheegeen inay u gudbayaan wajiga labaad ee arrimaha siyaasada iyo xallinta khilaafka ka taagan doorashada. Iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in xal la gaaridoono.

Dhinaca kale, baarlamaanka Puntland oo saakay kulan leh ayaan la filaynin inuu ka doodo xeerka doorashooyinka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, ka dib markii uu todobaadkii hore uu khilaaf ka dhashay.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in dib loo dhigo ka doodistiisa, si fursad dedaalada nabadeed ee socda.