Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo kulan la qaatey Maamulka degmada Baardheere.

28

Kulan balaaran oo lagu soo dhaweynayey Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir)oo maalinimadii shaley soo garey degmada Baardheere ayaa maanta lagu qabtey Xarunta degmada

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa G/ku xigeenka Gobolka Gedo,Xubnaha Maamulka degmada Baardheere iyo Saraakiisha laamaha Amaanka degmada, waxaana kulanka lagu lafo guray Xaallada Fatahaada ee Webiga uu ka geystey degmada Bardheere iyo Nawaaxigeeda.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Cabdulaahi Cabdi Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay  sidii gurmad bin’aadinimo loola gaari lahaa dadkii ku barakacay Daadadka iyo Fatahaada Webiga,Gudoomiyaha ayaa isla maanta waxuu Boodey goobahii webiga Baardheee uu ku fatahayiyo Saldhiga Booliska degmada.