Maxkamad kutaala magaalada Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday labo nin oo dilay haweeney

12
Maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday labo nin oo lagu helay inay dileen haweenay.

Mid kamid ah ragga la xukumay oo lagu magacaabo, Liibaan Maxamed Yuusuf, ayaa wuxuu ahaa seyga marxuumad Naciimo Cabdiweli Cismaan oo ahayd 16 sano jir, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda.

Kiiska dilka ah, ayaa 18-kii bishii Abril ee sanadkan xilli saqdhexe ka dhacay meel wax yar ka durugsan degaanka Daarusalaam oo katirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Sababta uu dilay xaaskiisa waxaa la sheegay in ay ahayd, kaddib markii ay ka diiday inay la noolaato, iyadoo ka dalbatay furitaan.

Eedeysanaha koowaad oo 22 jir ah, waxay maxkamaddu sheegtay inuu dilka xaaskiisa u kaashaday eedeysanaha labaad oo lagu magacaabo Jaamac Maxamed Yuusuf, 20 jir ah.

Maxkamaddu waxay sheegtay in dilkeeda loo adeegsaday tooreey ay ku wada dhufteen labada eedeysane ee lagu xukumay dilka toogashada.

Xukumanayaasha ayaa haysta bil racfaan ah.