SSC Khaatumo oo ka warbixisay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood

4

SSC-Khaatumo ayaa guulo ka sheegatay dagaalo dhowr jiho ah oo shalay ciidamada Somaliland ku dhexmaray magaalada Laascaanood iyo agagaarkeeda.

Hoggaamiye ku-xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay ku horeeyeen dagaalkii shalay, laakiin ay iska caabiiyeen oo ay khasaare gaadhsiiyeen.

“Ciidanka difaaca SSC-Khaatumo iyaga oo gudanaya waajibkooda dastuuriga ah, ee is difaaca ay xaqa u leeyihiin, waxay kala hortageen iska caabin xoogan, iyaga oo cadowga u dhigay cashar lama ilaawaan ah, sidaa darteed waxa ka dhashay khasaare la gaadhsiiyay cadowga” ayuu yidhi Dr. Maxamed.

Waxa uu sheegay in ay dhamaystirteen dhamaan waxyaabihii ay ku dagaal gali lahaayeen, isaga oo sheegay in ay ka go’antahay in ay ciidamada Somaliland ka saaraan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaanu ciidankiisa ku booriyay in ay dagaalka sii xoojiyaan.

“Waxaad u diyaar garowdaan in aad naf iyo maalba ku bixisaan, madaama oo uu dagaalkani dagaal ma siiri ah yahay, iyo mustaqbalkiina iyo karaamadiina ku xidhantahay” ayuu yidhi Dr. Maxamed.