Hay’adaha Amniga oo gacanta ku soo dhigay Askari la sheegay in uu dilay Wade Mooto Bajaaj

4

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Wade  Mooto Bajaaj ah oo lagu dilay maanta Magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan ciidanka Xoogga ayaa la sheegay  maanta xaafada Carafaad ee degmada Yaaqshiid  uu ku dilay nin dhallinyaro ahaa oo la sheegay in uu ku shaqeesanayay mooto bajaaj.

Goobjooge  ayaa sheegay in askariga uu xabbad ku dhuftay wiilka bajaajlaha ahaa, ka dib markii uu   ka diiday in uu qaado.

Meydka marxuumka la dilay ayaa loo qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da sii loo baari kiiskan, Hay’adaha Amniga ayaa la sheegay in ay soo qabteen Askariga dilay Mooto bajaajlaha  Waxaana lagu magacaaba Xasan Kaafi Cali gacanta ciidanka Amniga ayuu ku jira sida laga soo xigtay Hay’adaha Amniga