Faah Faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Baydhaba

8

Faah Faahino ayaa kasoo baxaya weerar ay Xybno ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Goofgaduud buurey oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Militarida Dawlada Federaalka oo kaashanaya kuwa Maamulka Koofur galbeed iyo Al-shabaab

Dagaalka ayaa socday Muddo saacado ah sida ay sheegeen goob joogayaal Degaabka Goof gaduud Buurey usalamarkaana dhinacdayada dagaalamay ay isku adeegsadeen rasaasta Nuucyadeeda kala diwan iyo madaafiic lamina oga kgasaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Wararka ayaa sheegay in xaalada ay degan tahay waaxana Goofgaduud buureey ay ka mid tahay deegaanada istaraatiijiga ah ee laga ilaaliyo Amniga magaalada Baydhabo oo maamulka Koonfur Galbeed ay u tahay xarun ku meel gaar ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaas oo ay muddo kooban haysatay, islamarkaana ay dib ula wareegeen deegaanka ciidamada Militariga Dawlada Federaalka iyo kuwa maamulka Koofur galbeed.