Hay’adda MSF oo shaacisay inay sii wadidoonto kasii shaqaynta gobolka Sool

45
Hay’adda MSF ayaa shaacisay inay sii wadidoonto shaqada gobolka Sool, iyada oo hawlaheeda caafimaadka kasii wadi doonta degaanka Kalabaydh, oo qiyaastii 40 kiiloomitir koonfur ka xigta magaalada Laascaanood.

War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in hay’addu ay bixinayso daryeelka aasaasiga ah ee hooyada iyo dhalmada kasoo barakacay colaadaha Laascaanood.

Dhawaan ayay ahayd markii hay’adda MSF ay shaacisay in ay ka baxayso gobolka Sool, kaddib markii shaqaalaheeda ay saamayn ku yeesheen duqeymaha Somaliland ay kusoo garaacayso xarumaha caafimaadka ee Laascaanood.

Balse, dadaalo ay sameeyeen golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa lagu guulaystay in hay’adda lagu qanciyo in aanay guud ahaan ka bixin gobolka, balse ay howlaheeda si kumeel gaar ah ugasii waddo degaanka Kalabaydh.

In ka badan 40 sano, ayay MSF wax ka qabanaysay caafimaadka bani’aadamka iyo xaaladaha degdegga ah ee nafaqo-xumada ee bulshooyinka ku nool xudduudaha uu caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Hay’addu waxay sheegtay in ay ka go’an tahay sii socoshada howlaheeda, iyadoo ay hagayso anshaxa caafimaadka, mabaadi’da, madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada.