Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee ka tagay Muqdisho

42

Gudoomiyaha  Golaha Wakiilada Somaaliland ayaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee ka tagay Magaalada Muqdisho .

Qoraal kooban oo  uu bartiisa face buugga soo dhigay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland Cabdirisaaq Khaliif ayuu uga hadlay kulanka  ay wada yeesheen isaga iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Laascaanood islamarkaan ka tagay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb qaadanaya xal u helida colaadda ka taagan Magaalada Laascaanood.

Gudoomiye Cabdirisaaq khaliif ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka  ee ka socda Koofurta Soomaaliya in dhaqanka laascaanood ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhameeyo colaadda ka jirta laascaanood balse dhinaca  Soomaaliland  Nabadda ay ka doorteen in dagaalka ay ku sii wadaan laascaanood.

Odayaasha Dhaqanka ee ka Tagay Magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa doonaya in wada hadal lagu xaliyo colaadda ka taagan Laascaanood.