Dadka naafada ah ee ku dhaqan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo Codsadey in la gargaaro.

51

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashey dhibaatooyinkii ay geysteen Roobabkii xooganaa ee daadadka watey ee ka dhacay degmada  Baardheere 23.03.2023.waxaa ka dhashey.khasaarooyin isugu jira dhimasho.Dhaawac.Barakac.iyo burbur  hantiyeed.

Dadka dhibaatooyinka ay ka soo gaareen daadadkaasi ayaa waxaa ka mid ah dadka naafada ah ee iyagu markii horeba la daala dhacayey daruuffo Qalafsan oo xaga nolosha ,hadaba waa kuwan Qaar ka mid ah Naafada Baardheere oo ka hadklaya dareenkooda,

Si kastaba ha ahaatee Roobabkii xooganaa ee daadadka watey ayaa waxaa ku naf waayey ilaa 14 ruux,dadka dhaawacmey daadadkaasi ayaa gaaraya ilaa 5 ruux,halka dadka ku barakacay Daadadka Roobabkuna ay gaarayaan ilaa 15 kun oo ruux,.waxaa burburey inta badan goobahii ganacsiga iyo guryahii la deganaa.waxaa daadadka ay la tageen Raashinkii daruuriga ahaa Bakhaarada  iyo dalagyada Khudaartii taaley Suuqyada Baardheere.