DFS oo Hay’adaha Caalamiga ah kala shirtay fatahaada Baardheere

52

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyay kulan xoogga lagu saarayo waxyeeladda fatahaadda Webiga Jubba ee bulshada Baardheere ee gobolka Gedo iyo sida loogu gargaarayo kaas uu la qaatay kuxigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey iyo hey’ado Samafal oo maxali iyo caalami isugu jira.

Hey’adaha kulanka Wasiir Axmed Macallim Fiqi qeybta ka ahaa waxaa ka mid ahaa hay’adaha samafalka sida SODMA, UN-OCHA, WFP, IOM, UNICEF, FAO iyo UNHCR.

Iyada oo laga ambaqaadayo hagidda Wasiirka Arrimaha Gudaha Ahmed Moallim Fiqi waxaa ay hey’adaha samafalka caalamiga ah iyo saxiibada Soomaaliya balanqaadeen sida ay uga go’antahay in gurmad Banii’aadnimo oo degdeg ah lala gaaro bulshada ku dhibaateysan Baardheere iyo weliba xal u helidda fatahaadaha ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka.