Laamaha Amniga oo burburiyay Warshado lagu farsameeynayay waxyaabaha Maanka dooriya

39

Taliska qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa kadib howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay burburiyaan Goob lagu farsameeynayay waxyaabaha maanka dooriya sigaar ah calaqa, taas oo ku taalla Waaxda Cirfiid degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.

Goobtaan ayaa Sarakiisha Ciidamada Boolisku sheegeen inay aheyd goob weyn oo lagu sameeynayay Calaqa, si loogu iibgeeyo qeybaha kale ee Magaalada Muqdisho,  isla markaana ay ka Shaqeeynayeen Dhalinyaro farabadan.

Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Maamulka degmada Hiliwaa, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo taliska qeybta Bari ee Booliska Gobolka ayaa ku sugnaa Goobta lagu burburinayay Maandooriyaha Calaqa oo caaga waaweyn kujiray.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maandooriyaha uu yaha mid aan  wanaagsaneyn mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna si cad u sheegay inay la dagaalami doonaan Goobaha lagu kariyo Maandoriyaha & Hoteelada lagu isticmaalo.

Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa dhankiisa seegay in marnaba la aqbaleyn in xashiish iyo waxkasta oo Maanka dooriya la beerto, isla markaana hub inta lagu gato darajo lagu gaaro.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Magaalada muqdisho ay kusoo bateen Burcadda iyo Ciyaal weerada ay la dagaalami doonaan cidkasta oo farsameyneysa waxyaabaha maanka dooriya iyo dadka isticmaalaya intaba.

Laamaha Amniga Gobolka Banaadir ayaa habeenadii la soo dhaafay waxaa ay Magaalada muqdisho ka wadeen howlgallo ka dhan ah Ciyaal weerada iyo waxyaabaha maandka dooriya, iyaga oo ku qabtay maandooriye farabadan iyo dadkii ka Ganacsanayay.